Sawirro: Adeegga duulista hawada Soomaaliya oo lagu sameeyey horumarin weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray adeega duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, islamarkaana la gaarsiiyay heerka ugu sareeya ee lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay heerkan la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Waxa uu xusay in horumarinta lagu sameeyay adeega hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeega duulista hawada dalka.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warbixiyay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey’adda maamusha hawada dalka, kaasi oo lagu qiimeeyo adeega hawada caalamka.