Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxay sheegayaan in saacadihii u dambeeyey ay soo gaareen qoysas qaxooti ah oo ka soo cararay colaada ka jirta dalka Yemen, kuwaas oo isagu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dumuquraadiyaynta dowlad goboleedka Puntland ayaa dekedda magaalada Boosaaso ku soo dhoweysay qoysaskaas qaxootiga ah oo Yemeniyiin iyo Soomaali isugu jira, waxaana la soo bandhigay sawirradooda.
Qaxootigaan oo gaaraya 19 ayaa u badan haween iyo carruur, waxaana loo daabulay xarunta qaabiladda iyo soo dhowaynta qaxootiga ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradaas.
“Xaaladdaha bani’aadamnimo iyo duruufaha amni ee daran oo ka jira Yemen ayaa horseeday qulqulka qaxooti badan oo soo gaaraya Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Puntland.
Dalka Yemen oo xuduud badeed ay wadagaan Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay ka taagneyd oo marba marka ka sii dambeysa kasii dareysa colaado isugu jira kuwo sokeeye iyo kuwo ay hor boodayaan wadamo carbeed.
Haatan quwadaha ugu weyn ee isku heysta xukunka dalkaas waa kooxda Xuutiyiinta iyo dowladda dhexe oo gacan ka heleysa xulufo carbeed oo ay hogaamiso Boqortooyada Sacuudiga, waxaana si joogto ah dalkaas ugu dhinta dadka rayidka ah oo dagaalka aan looga tureyn, sidoo kalena waxaa jirta Yemen macaluul iyo cunna-yari daran, sida ay sheegeen hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.