Sawirro: Aqoon-isweydaarsi 10 cisho ka soconayay Turkey, oo lasoo gaba-gabeeyey

Istanbul (Caasimada Online) – Casho sharaf lagu qabtay Maqaaxida Dalsan ee ku taal Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa lagu soo gabagabeeyay aqoon is-weydaarsi 10 cisho soconayay,  loogana hadlayay walbahaarka ka dhasha isticmaalka xad-dhaafka ah ee aaladaha Internet-ka ku shaqeeya

Aqoon isweydaarsigan,  ayaa loo qabtay soddomeeyo dhalinyaro ah, kana kala yimid dalalka Netherlands, Sweden, Finland, France, Italy & Turki, waxaanna casharo ka bixinayay Joequin Martin & Ekaterine oo u kala dhashay dalalka Spain & Georgia.

Cabdifataax Jaamac [Janna-gale] oo ah khabiir in muddo ah ka soo shaqeynayay howlaha ijticmaaciga ah ee kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, ayaa ugu horreeyn munaasabada casho sharafta ka hadlay, isaga oo tilmaamay in 10 cisho  kaddib  ay hayaan guul la taaban karo.

“10-kii cisho ee aan ku sugnayn Talen Hoteel  oo ku yaal xaafada [Kaynarca] mowduucyada aan ka doodeynay oo aan si cilmiyeysan dhinac waliba isaga tusnay  haddeey tahay wanaaga uu leeyahay isticmaalka digital-ka & haddii lagu talax-tago isticmaalkiisa dhibaatooyinka ka dhasha oo aan si fiican isula lafa-gurnay, haddana faa’iidada kale ee aan dhaxalnay waxay tahay  in dhalinyaro dalal kala duwan ka yimid  ay isku barteen iskuna dhaafsadeen khibrad & aqoon”Ayuu yiri C/fitaax Janna-gale,  wuxuuna kula dardaarmay dhalinyaradii dhammeystay aqoon isweydaarsiga ee  la guddoonsiiyay shahaadada in aqoontii & khibradii ay ka kororsadeen muddadii uu socday aqoon isweydaarsiga in ay la wadaagaan dhalinyarada kale ee aan fursada u helin.

 “Waxaa suurtagal ah in ay jiraan dhalinyaro adinka oo kale ah oo jeclaan lahaa in ay helaan fursadan adinku aad hesheen, haddana aysan u suurtagelin waxaan idinka codsaneynaa inaad la wadaagtaan wixii aad halkan ka barateen cid kasta oo kale”Ayuu yiri Janna.Gale, wuxuuna ugu dambeyntii u mahadceliyay hay’adda Erasmus+ oo suurtagelisay in aqoon kororsigani uu qabsoomo.

C/shakuur Cilmi Xassan oo ka socday Hay’adda Jamaal Foundation, ayaa   ka hadlayay casha sharaftaasi, wuxuuna u mahadceliyay fursada ay u heshay Jamaal Foundation qabanqaabada munaasabadan.

“Mowduucan [Digital distress] wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan maanta ee u baahan in si cilmi ah loola fal-galo, waayo dhalinyaro & waayeel intuba taleefanku wuxuu la mid noqday wax ku shaqeeya DNA-deena, tallooyinkii la is weydaarsaday waxay ahaayeen kuwa dhaxalgal ah”Ayuu yiri C/shakuur, wuxuuna intaasi ku daray inuu ku faraxsan yahay in 10-kii cisho ee ay ku sugnaayeen goobtii aqoon isweydaarsigu ka dhacay in wax waliba ay ugu dhammaadeen sidii loogu talogalay.

Shaqsiyaadka gacanta weyn ka geystay abaabulka & qabsoomida aqoon isweydaarsigan waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta dowlad goboleedka Puntland C/risaaq Shiikh Adduun.

“Dhalinyaradu waxay fursad u heleen in ay dood caafimaad leh doodaan, is dhageystaan, mid waliba  uu na la wadaago khibradiisa, aqoontaas la kala kororsanayo haddii lagu kabo [motivation] oo la la yimaado isbeddel ku dhisan aqoon iyo ilbaxnimo waxaa la gaarayaa halka loo socdo” Ayuu yiri Wasiir C/risaaq Shiikh Adduun.

 Qoraa C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu casuumay  aqoon isweydaarsiga ayaa ku baraarujiyay dhalinyaradii madasha ku sugneyd sheekooyin ka tarjumaya sida la isku qabadsiin karo in iyada oo laga faa’ideysanayo aaladaha ku shaqeeya internet-ka, haddana ay tahay inaan [addicted] lagu noqon.

Gabagabadii siminaarka waxaa la guddoonsiiyay dhalinyaradii ka soo qeybgashay shahaado, waxaanna lagu soo afjaray xaflad casha sharaf ah.