Sawirro: Arrintaan oo kale haddii Muqdisho ka dhici laheyd talow dadku maxay sameyn lahaayeen?

Hargeysa (Caasimadda Online)–Shacabka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa falan qeyn ku sameeyay dhacdo la-yaab laheyd oo ay la kulmeen, kadib markii nin muruq maal ahaa oo lacag xadigeeda badnaa uu xamaali ka ahaa, taasoo kaga qubatay ama kaga daadatay bartamaha suuqa Hargeysa.

Ninkan oo gaari gacan ku riixiyey lacag fara badan oo stilinka Somaliland ah ayaa mar kaliya la arkay isaga oo kaga qalibmay bartamaha suuqa magaalada Hargeysa, lacagtiina ka daadatay, isla markaana ay dadkii ku soo yaaceen kuwaas oo la guray oo dib ula habeeyey gaari gacankii lacagta lagu gurayey.

Guud ahaan dadkii  ku sugnaa bartamaha suuqa magaalada Hargeysa ee ku soo ururay goobtii ay lacagtu kaga daadatay ninkan muruq maalka ah ee riixayey gaari gacanka ay lacagtu saarnayd ayaa markii ay lacagta la ururiyeen iskaga kala dareeray goobta.

Dhacdadan ayey dadweyne badan oo goobtaas ka agdhawaa ay tusaale nool uga dhigeen heerka ay taagan tahay nabad galyada ka jirta Somaliland, taas oo harcad lala dhex mari karo lacag xadiga ay do onto le’eg isla markaana aanay cidina danayn karin inay dhacdo.

Sidoo kale dhacdooyinka ay dadku tusaalaha u soo qaateen ayaa ka mid ah in qaybo ka mid ah shacabka Hargeysa ay si daacad ah u caawiyeen ninkii ay lacagtu ka daatay balse aanu qofna wax lacag ah ka qaadan, iyada oo  waliba dib loogu habeeyey lacagtii ka qubatay.Dadweynihii ka ag dhawaa goobta ay lacagtu ku daadatay ayaa si weyn ugu riyaaqay heerka ay taagan tahay nabad galyada ka jirta Somaliland taas oo saamaxday in lacag cadaan ah oo xadi badan ah lala dhex mari karo suuqyada Hargeysa, halka laga wada war qabo in baananka aduunka ee lacagaha la dhigto iyada oo si adag loo ilaalinayo hadana mararka qaar la dhaco.

Somaliland ayaa mudo 27 sano ah oo ay jirtay waxa ay si weyn ugu naaloonaysaa nabad galyo taam ah oo aanay haysan wadamo badan oo ka jira geeska Afrika iyo wadamo kale oo ka mid ah qaaradaha kala duwan ee caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com