Madaxtooyada Soomaaliya oo ka fekareysa go’aanka ay ka qaadan lahayd heshiiskii Berbara iyo 4 arrin midkood oo dhici karta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wixii ka dambeeyay heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee ka dhacay 1-dii Bishaan March magaalada Abuu Dubai Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya Waxaa ka taagan hadal heyn siyaasadeed iyo kulamo arintaan ku saabsan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa 4-tii maalmood ee la soo dhaafay Waxaa ka soconaya kulamo wada tashi ah oo ku saabsan heshiiska Berbara ee xiisadda Siyaasadeed ka dhax abuurtay Soomaaliya Itoobiya iyo Imaaraadka.

Kulamadaan ayaa u dhaxeeya hogaanka Dalka sida hay’adaha fulinta, Sharci dejinta Hanti-dhowrka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in kulamadaan saacadihii la dhaafay ka socday Madaxtooyada iyo Guriga Ra’iisal Wasaaraha looga arinsanayay Nuuca Jawaabta uu dalkaan ka bixin doono wax lagu tilmaamay Weerar Siyaasadeed oo lagu soo qaaday Madaxbanaanida Soomaaliya.

Dad ka mid ah xubnihii ka qayb galay Shirarkii dhacay ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in la isku soo hadal qaaday qodob midkood looga fal celiyo Faragelinta Imaaraadka ee Arimaha Soomaaliya.

Qodobada la isku soo hadal qaaday oo aan wali midna la isku raacin ayaa Waxaa ka mid ah

  • In la Cayriyo Safiirada Imaaraadka iyo itoobiya ee Soomaaliya.
  • In Xariirka loo jaro Dalka Imaaraadka Carabta oo ay Soomaaliya ka qabto Tabasho kale.
  • In Dacwad ka dhan heshiiska Bar-bara loo Gudbiyo IGAD, AU, Jaamacadda Carabta iyo Q.M.
  • Iyo in Arinta Bar-bara laga aamuso oo looga haro hadalkii Xukumadda ee ku sheegtay in uu ahaa sharci darro.

Dalalka Jabuuti, Qatar iyo Turkiga ayaa la sheegay in ay sidoo kale dabada ka riixayaan in Dowladda ay qaadato go’aan adag oo jawaab u noqon kara Faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya oo sii xoogeysatay.

Sidoo kale Wararka la helay ayaa sheegaya in qubaro Caalami ah ay ka qayb qaadanayaan talooyin ku saabsan sidii laga yeeli lahaa faragelinta Imaaraadka carabta ee Soomaaliya.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in ay suurta gal tahay in laga Gudbiyo Dacad Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka, taas oo loo gudbin doono, IGAD, AU, Jaamacadda Carabta iyo Q.M.

Maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in ay Dowladda Soomaaliya soo saarto go’aankeeda ku aadan Arinta Berbara kaas oo ka badal hadalkii Xukumadda ee ahaa in heshiiskaas uu sharci darro ahaa.

Sidoo kale Waxaa suurta gal ah in ay Dowladda Soomaaliya ay sidaas uga aamusto muranka Berbara

Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa saameyn Balaaran ku leh Siyaasadda iyo amaanka Soomaaliya waana arinta u sahlaysaa in ay faragelin nuucaan oo kale ah ay saameyaan Balse falanqeeyaasha Arimaha amaanka iyo siyaasada ayaa ka digaya in dhibka uu intaan ka badnaado hadii laga aamuso arinta Berbara.

Xigasho: Radio Kulmiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com