Akhriso: Amarka uu Wasiirka Duulista XF dul dhigay Shirkadaha Duulimadka ee Garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir uu xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.

Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan”

1-Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2-Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3-Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4-Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

“Cidii jabisaa amarada aan soo saarnay marka koowaad waxa ay mutaysan doontaa ganaax laba kun oo doolar ah, marka labaad shirkadii jabisaa waxay mutaysan doontaa Ganaax 2 kun oo doolar iyo 7 maalin oo shaqa ka joojin ah, marka sadaxaad cidii jabisaa amarkaana waxaan ku ganaaxi doonaa laba kun oo doolar iyo inaan kala noqono ruqsada shaqo oo ay duulimaad uga sameyn karaan dalka’’ ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Ku-xigeenka Mareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin xasan ayaa tilmaamay inay dowladdu ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda Rakaabka.

Guddoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha Xasan Xaashi Muxamad ayaa ka hadlay kulanka iyo go’aanka Wasaaradda.

“Kulankaan oo isku keen yeeray Wasiirka waxbadan ayaan isla meel dhignay oo aan ka doodnay oo ay ka mid aheyd caqabadaha ku yimaada duulimaadyada iyo in si sax ah aan uga wada hadalno’’ ayuu Yiri Xasan Xaashi

Amaradaan ayaa la rumeysan yahay inay xal u yihiin caqadihii Rakaabka diyaaradaha ka haystay waqtiga uga lumo sugista duulimaadyada diyaaradaha ee Garoomada oo marar ka qaar saacada badan ka qaata.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com