28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Axmed Madoobe oo Kismaayo ku kulmiyay xildhibaanada cusub una sheegay inay hal arrin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Munaasabad heerkedu sareeyo Kismaayo ugu qabtay xubnaha labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

Munaasabadan oo sagootin ahayd ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Raiisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo xubnaha labada gole ee Jubbaland iyo Mudanayaasha la doortay.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed Cabdi Cali Raage ayaa Munaasabada kaga sheekeyay marxaladahii ay soo martay hawsha dhismaha labada Aqal ee Jubbaland laga soo doortay isagoo Dowlada Jubbaland uga mahad celiyay sida ay tageerada ula garab taagnay waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay sidii ugu wanaagsanayd hawshu u dhacday oo ay rajaynayaan in Xildhibaanadan ay noqdaan kuwo dalkooda anfaca.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo Munaasabada ka hadlay ayaa ka mahad celiyay amaanka iyo Nabadgalyada la isku halayn karo ee Kismaayo ay ka heleen iyagoo Dowlada ku amaanay sida ay uga go’an tahay Midnimo, Cadaalad, iyo Hanaanka maamulka Suuban.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Somaliyed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraday sida ay masuuliyada ay qaadeen uga soo bixi lahayeen Xildhibaanada Cusub wuxuuna husay in ay Jubbaland ku dadaalayso sidii Xildhibaanada deeganku u noqon lahayeen kuwo isku xiran oo hal hadaf leh waxaana uu cadeeyay in taasi ay miro dhashay oo hada ay gudi samaysteen Xildhibaanadu kuwaas oo wixii soo wajaha ay si midnimo leh go’aan uga gaarayaan.

“Waxaan balan qaadayna in aanan caawa idinkaga harin oo aan idin garab istaagno halkan Kismaayo dhul baan idinka siinaynaa oo Dowladu ay guri marti oo aad dagtaan idinkaga dhisto sidii kale Xamar madal ayaad ku yeelanaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed islaam.

Sidoo kale Waxaa Madaxweynahu uu balan qaaday in hada kadib laga tashan doono in wixii jira ee masiirka dalka ku saabsan si guud looga tashado oo qaab Xisbi ah lagu wajahi doono dadka deegankuna ay u dhan yihiin.

“Waxaan samayn doona labada kun iyo labaatanka in aan Soomaalida kula gorgortano oo aan kula Xisaabtano qaab Xisbi Asxaab ah oo aan ka baxno nidaamkan habka qabiil ku salaysan” ayuu yiri Hogaamiyaha Dowlada Jubbaland.

Xildhibaanada ayuu kula dar daarmay in ay ka fogaadan laaluush iyo wax isdaba marin taas oo xaalka hada dalka uu ku sugan yahay uga sii daraysa.

“Maanta go’aanku idinka ayuu gacantiina ku jiraa waxaad samayn kartaan Tariikh iyo bog Cusub oo aad dhabaha Saxda ah Dalkan ku hagtaan taas oo ah in aad ka dheeraatan Musuq maasuq waana mida Dalkeena u wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna Mudane katirsan Baarlamaanka Cusub ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kasoo qayb galka Munaasabadan uuna arko Dowlad iyo dadkeeda oo wada jira gacmahana is haysta wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay meel wax Wanaagsan laga baran karo.

14816191951fffb.jpg

1481619196aa3f4.jpg

148161919785a59.jpg

148161919725a0e.jpg

1481619198d13d5.jpg

1481619200b8aea.jpg

1481619201dfaad.jpg

1481619202b8a1f.jpg

1481619204fb74a.jpg

148161920642828.jpg

14816192080a46a.jpg

1481619210fd904.jpg

148161921237880.jpg

- Advertisement -

Read more

Local News