Ceeb looma dhinto: DAAWO Sawirrada bannaanbixii Minnesota oo aflagaado ka dhana Hawiye iyo fadeexad noqday

Minneapolis (Caasimada Online) – Dad ku abtirsada beelaha dega Puntland ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, ayaa ku hor bannaanbaxay hotelka uu Madaxweynaha Somalia ka degan yahay halkaasi, ayaga oo ka cabanaya in beeshooda aan sidii ay rabtay loo yeelin.

Dadkan ayaa tiradooda lagu qiyaasay 50 illaa 60 qof, waxaana ay ay wateen boorar lagu qoray ereyo naceyb iyo qabyaalad huwan.

Dadkan oo sheegayey inay ku banaanbaxayaan madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa caddaatay inay ahaayeen dad caadifad qabiil un haysa, kadib markii ay boorarka kusoo qorteen ereyo ka dhan ah beelaha Hawiye.

Dibadbaxaas ayaa si bareer ah loogu aflagaadeeyey Beesha Hawiye iyaga oo qabanqaabiyaasha Dibadbaxa ay shacabka u soo dhiibeen boorar ku ay ku qoran yihiin halku dhigyo anshaxa ka fog.

Waxaa ka mid ahaa “Daarood tashay, Hawiyow iga dul kuac waan daalay”. “Jug Jug meeshaad joog, Waxaa dib loogu noqonayaa 1991-kii, mahadsanid Xasan Sheekh” ayaga oo uga jeeday inay hurinayaan dagaal Hawiye iyo Daarood.

Waxa ay sidoo kale wateen boorar ay Xasan Sheekh ku sheegayaan inuu yahay hoggaamiye qabiil, ee aanu ahayn hoggaamiye dal.

Sawirrada qaar ayaa waxaa ka muuqday dumar fartooda dhexe kor u taagaya, taasi oo aan ognahay macnaheeda.

“Waxaa nasiib darro ah in beel Soomaali ah ay mar walba kaligeed meel lasoo taagan tahay banaan-bax qabyaaladeysan, mararka qaar waxaan is-weydiiyaa in wax xishood la yiraahdo geibigiisba uu dhammaaday, Xasan Sheekh waa shaqsi, maxaase Hawiye meesha keenay” ayuu yiri Cabdi Axmed oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Minnesota.

“Banaanbaxa lama diidana, laakiin waa inuu noqoda mid siyaasadeed ee ma ahan in sanad kasta qabyaal darted loo banaan baxo, oo hal qabiil meel uu lasoo taagan yahay boorar, waxaan la yaabay xishoodka iyo dadnimada waxa ka qaaday, illeen ceeb looma dhinto” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba inta badan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa si farxad iyo sharaf leh usoo dhoweeyey ulana kulmay madaxweynaha Somalia.

ceeb 9ceeb 1ceeb 2ceeb 3ceeb 4ceeb 5ceeb 6ceeb 7ceeb 8

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com