Xildhibaanno ka carrooday MUQDISHO oo gaaray Puntland (Daawo Sawirrada)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Garoonka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Maanta lagu soo dhaweeyey xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyagu soo ajiibay baaqii Madxaweyne C/weli Gaas oo ahaa in Xubnaha Puntland ugu jiro Dowlada Federaalka ay dib ugu soo laabtaan Deegaanadooda.

Xildhibaanada maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa hoggaaminaayay Xildhibaan Maxmed Xuseen Nuur Xagaafe, iyadoona ay garoonka kusoo dhaweeyen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka oo uu ugu horeeyo Duqa Degmada Cabdicasiis Jaamac nugaal Gudoomiyaha xigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Mudug, waxaana soo dhaweyn kadib loo gudbiyay Hoteelka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Xagaafe oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay aad u badnaayen, balse ay soo kala hareen, waxa uuna Tilmaamay inay yihiin qeybtii Seddexaad oo soo gaartay Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu Xildhibaanku cadeeyay in Xildhibaanada uga harsan Magaalada Mqdisho ay maalmaha soo socdo soo gaari doonaan Magaalada Gaalkacyo, Isagoona sheegay in Ujeedka imaanshahooda ay ka dambeysay Fariintii uu Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas u diray xubnaha DF uga jira Puntland.

Dhanka kale, Mr Xagaafe waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay kulan la wada qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas si ay uga arinsadaan daan-daansiga Dowlada Federaalka ay ku heyso Maamulka Puntland, waxa uuna sheegay in iminka ay sugayaan Xildhibaanada ku harsan magaalada Muqdisho.

???????????????????????????????  ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

caasimada@live.com