Xog: PUNTLAND oo raali-gelin siineysa DF Soomaaliya kadib markii la qanciyey

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Maamulka Puntland uu ku qancay tallooyin iyo tusaallooyin ay Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho ee kasoo jeeday Puntland hor dhigeen Cabdiweli Gaas iyo xukuumaddiisa oo sheegay inay xiriirka u jareen Dowladda Dhexe ee Somalia.

Warku wuxuu sheegayaa in Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho in ay Madaxweynaha Puntland u sheegeen in uu ku deg degay go’aanka uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka, waxay sidoo kale u sheegeen in ay habooneyd in inta aan lagu dhawaaqin go’aankaasi lasoo wargeliyo xildhibaanada.

Cabdiweli Gaas iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ayaa u sheegay Xildhibaanada in ay shaki badan ka qaadeen heshiiskii Villa Somalia ee maamul u sameynta gobolada dhexe, isla markaana ay moodayeen in Galmudug la hoos geynayo guud ahaan gobolka Mudug.

Xildhibaanada waxay u sheegeen Gaas iyo xubnahiisa in sida ay wax u maleeyeen si ka duwan ay tahay arinta, isla markaana gobolka Mudug uu noqon doono sida hadda u kala qeybsan yahay tusaale ahaan Koonfurta Mudug ilaa Galgaduud sidaasina lagu qanciyay.

Waxaa lagu heshiiyay in Puntland arrintan ay cudur daar ka bixin doonto, isla markaana shir uu ka dhici doono Garoowe, kaasoo lagu casuumay wafdi uu hoggaaminayo Ra´iisul Wasaaraha Somalia, kadibna laga hadli doono arrimahaasi iyo sababihii shakiga keenay.

Waftiga Cabdi Weli oo la filayey inay booqdaan Puntland horraantii bishan, ayaa baaqday kadib markii ay kala boodeen labada dhinac, hase yeeshee waxa uu Cabdi Weli usoo dhiibay xildhibaanada Puntland farriin ah in deegaanada Puntland aysan ka tirsaneyn maamulka cusub ee gobollada dhexe, waxaana uu booqan doonaa dhowaan.

Waxay Puntland iyo Xildhibaanadii ka tegay Muqdisho iyo wafdiga Ra´iisul Wasaaraha ay soo saari doonaan go´aan cad isla markaana Puntland ay ka cudur daaran doonto go´aankii deg dega ahaa ee ay qaadatay si looga raali geliyo bulshada Soomaaliyeed.

Lama oga xiliga uu Ra´iisul Wasaaraha ku beegan yahay Garoowe, hase ahaatee wey jirtaa qorshaha safarkaasi iyo shir weynahaasi ka dhici doona Garoowe.

Xukuumadda Cabdi Weli, ayaa wadda qorshe ah inay qanciso dhinac kasta, hase yeeshee warka ah in maamulka cusub uu yahay kaliya Koonfurta Mudug iyo Gal-Gaduud ayaa ka hor imaneysaa dastuurka maadaama laba gobol ka yar aysan noqon karin federal.
Sidoo kale waxaa is-weydiin mudan sida Puntland ay ugu qanacday hadal, ayada oo heshiiska maamulka gobollada dhexe lagu qoray Mudug iyo Gal-Gaduud oo aan kala qaadneyn, maadaama dunida qoraal iyo saxiix un ay ka shaqeeyeen oo aanu hadalka macno lahayn.

Dadka ku lugta leh dhismaha maamulka Gobollada Dhexe, oo ay Caasimada Online kala hadashay xogtan cusub, ayaa sheegay inay heystaan warqad saxiixan oo caalamku goob jog ka ahaa, sidaa darteedna aysan hadal ka jawaabeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com