Xoosh Jibril oo sheegay in Puntland ay cadaalad darro ku sameysay Leelkase kuna biirayaan MAAMULKA G/DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa ka hadlay caddaalad darrada Puntland ay ku sammeysay beesha Leelkase oo ka mid ah beelaha laf dhabarka ah ee dega Puntland, ee uu kasoo jeedo.

Cabdiraxmaan Xoosh, ayaa bartiisa Facebook ku xardhay erayo lagu tilmaami karo kuwa ka turjumaya qadiyada beesha Leelkase, ee ku aaddan siyaasadda dalka.

Waxa uu is-bar bar dhig ku sammeeyey tirada xildhibaannada Leelkase ay ku lee yihiin baarlamanka Puntland oo ah 3 iyo tan ay ku lee yihiin baarlamanka federaalka oo ah 5 xubnood.

Waxa is-weydiiyey sababta beelaha Dhulbahante (17 xildhibaan) iyo Warsangeli (9 Xildhibaan) ay baarlamanka Puntland uga badan yihiin Leelkase, ayada oo xaqiiqda ay tahay in labadaas beeloodba aysan daacad u wada ahayn Puntland sida Leelkase, oo ay sidoo kale ku jiraan baarlamanka Somaliland.

Ayada oo uu eegayo arrimahaas oo idil, ayuu Xoosh Jabriil is-weydiiyey waxa diidi kara in Leelkase ku biiraan maamulka cusub ee Central Somalia State ee gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud?

Xildhibaan Xoosh oo looga bartay inuu si dhab ka hadal ah u cabiro waxa uu aaminsan yahay ayaa yiri:- “Dad baa waxey leeyihiin, Xubno ka mid ah beesha LEELKASE kama qaybgali karaan maamul u sameeynta Central Somalia State. War waalidaan arka. Mar haddii Warsangali Daarood oo 9 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka Puntland iyo Dhulbahante Daarood oo ku leh 17 xubnood Baarlamaanka Puntland, ay Somaliland madaxna ka yihiin, Baarlamaanka Somaliland-na Ku jiraan, maxaa Leelkase laga rabaa. Ka warran Leelkase oo ah qabiilka labaad ee Puntland dega wixii ka dambeeya Harti Daarood ayaa laga siiyay Puntland seddex (3) Xildhibaan, Federaalkana Shan ( 5). Bal arka Proportionality-gan. . Bal ila eegooy aan taaganahay”.

hosh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com