Muqdishi (Caasimada Onlone) –Â Waxaa magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ka dhacay kulan u dhexeeyay Ergada Beesha Jareer-weyne uga qeybgaleysa shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo Mas’uuliyiinta Beesha ugu jirta labada gole ee maamulka.
Waxaa kamid ahaa mas’uuliyiinta ay la kulmeen Wasiirka Kheyraadka badda Ceymooy, Wasiir ku-xigeynka Warfafinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka colaad, Xildhibaano uu kamid ahaa Xildhimaan Dalxa iyo Xildhibaan Maryan Aweys jaamac.
Ergada iyo Odayaasha kale ee Beesha Jareer-weyne ayaa mas’uuliyiintooda usoo bandhigay dhaqan aysan mudneyn oo ay kala kulmeen Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa, waxa ayna sheegen in Odawaa uu isku dayaayo in Ergada Beesha uu ku dul sameysto Ergo kale oo uu isaga wato.
Waxa ay sidoo kale sheegen inuusan jirin wax xushmad ah oo ay ka helaan mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka u qaabilsan dardar galinta shirka, iyaga oo Wasiirada iyo Xildhibaanadooda u cadeeyay in Wasiir Odawaa uu caqabad lama gudbaan ku yahay Ergada Beesha Jareer weyne.
Sidoo kale, waxa ay tilmaamen in laga faquuqo Ergada kale ee kamidka ah madasha uu shirka ka socdo, hayeeshee taasi ay u baahan yihiin in la turxan bixiyo misna ay Dowlada Somalia ka jawaabto sababta ka danbeysay in gooni loo sooco Beesha.
Dacwadaani ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Beesha Jareer-weyne ay ka gudbiso shirka Jowhar, waxa ayna dacwadooda kusoo biyo shubatay faquuq iyo hagar lagu sameynaayo miisaanka ay ku dhex lahaayen shirka.