Garas Bintow (Caasimada Online) – Mid kamid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa ka soo horjeestay nabadoon dhowaan lagu duubay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Kulan ka dhacay deegaanka Garas Bintow oo ay ka soo qeybgaleen oday dhaqameedyo, culumaa’udiin, siyaasiyiin, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Mataan Cabdulle ayaa dadkii ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan nabadoonkii dhowaan lagu duubay degmada balcad oo sheegtay in uu nabadoon u yahay dadka degen deegaanka Geed Faqay ee ka tirsan degmada Balcad.
Nabadoon oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in beel aan lug ku lahayn deegaanka Geed Faqay ay sheegtaan in ay leeyihiin taasna ay tahay mid xadgudub ku ah beesha Mataan Cabdulle.
“Waxaan ugu baaqaynaa beesha duubatay nabadoonka in ay ka laabtaan sheegashada deegaanka Geed Faqay oo ah deegaan dadka degan ay yihiin Mataan Cabdulle balse dadka kale ee ku nool aan loo diidanayn inay ku noolaadaan isla markaana ku dhaqmaan.”ayuu yiri nabadoon oo ka hadlayay kulankan.
Dhowaan ayaa lagu duubay magaalada Balcad nabadoon ay leedahay beesha Shiikhaal oo qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda beeshaas ay degen yihiin deegaanka Geed Faqay.






Isha: Jowhar

