25.5 C
Mogadishu
Monday, November 10, 2025

Sawirro: Booliska oo xiray 44 dhallinyaro ah oo fal xasaasi ah ka geystay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay caawa fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir ayaa lagu soo qabtay kooxo ku eedeysan inay ciyaal wareero yihiin, kuwaas oo gaaraya 44 dhalinyaro ah.

Kooxahaan ayaa ku eedeysan in shalay Garoonka Ciyaaraha ee Eng. Yariisoow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ay ka geesteen falal amniga liddi ku ah.

“Waxaa ku socota baarista Boliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan ayaa loo heystaa inay fowdo ka kiciyeen garoonka, iyagoo markii hore ku yimid inay yihiin taageerayaal.

Booliska ayaa soo qabqabtay iyagoo qaarkood gacanta kula jira falalka ay ku eedeysan yihiin, waxaana laga xiiray Tinta, iyagoo caawa ku hoyanaya xabsiga.

Booliska ayaa soo sawiray dhalinyaradaan oo tinta laga xiiray, waxaana la sheegay in baaritaan kadib lagu maxkamadey doono falalka lagu soo eedeeyey ee ‘ciyaal weeranimada ah.’

Sida lagu sheegay qoraalkaan, Howlgal waxaa amray taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya Asad Diyaano oo maalinkii uu xilka la wareegay balan qaaday in wax amni darro ah aysan Muqdisho ka dhici doonin, inta ay awoodaana ay ka hortegi doonaan.

- Advertisement -

Read more

Local News