SAWIRRO: Caasha Xaaji Cilmi oo abaal marin caalami ah la guddoonsiiyey

Xildhibaanad Caashi Xaaji Elmi oo ah Marwo Si weyn looga qadariyo Caalamka iyo Soomaaliya ayaa shalay ku guulaysatay Bilada xaqiijinta xaqqa ka qeyb galinta geedi socodka nabada ee haweenka Soomaaliya.

Biladahan oo laga Soo xulay Dadka la siinayo Dhamaan wadamada Africa ayaa waxaa isugu soo haray afar Haween oo ay ka mid tahay Caasho Xaaji Elmi,waxaan afartan Haween loo aqoonsaday Haweenka isbedlka ku sameeyay Africa gaar ahaan xaqa Haweenka Afrika.

Abaal marinta waxaa bixisay Madaxweynaha Wadanka Malawi Dr.Joyce Band Isla markaana ah gudoomiyaha urur goboleedka SADC. Waxaa lagu xusay sanadguuradii 10aad oo ka soo wareegtay Protocolka Midowga Afrika (AU) oo ahaa dhowrista xaquuqda.

Sedexda Haween ee kale oo helay abaalmarintaan ayaa waxay kala yihiin Ms. Forlorunso Alakija (Nigeria) oo ah naagta uugu dhaqaalaha badan naagaha Aduunka oo la siiyay billada Economic empowermentka Africa.

Ms. Litha Musyimi Ogana (Kenya) oo ah gudoomiyaha gender and advocacy in the AU oo iyadana la siiyay Abaalmarintan.

Ms. Anastasia Msosa (Malawi) oo ah haweeneyda uugu horeeysay oo ka noqotay Chief Justice wadankeeda oo malawi.

Abaalmarintaan ayaa ah abaalmarinada ugu qaalisan Qaarada Africa waana Abaalmarin laga soo shaqeeyo ka hor inta aan la dhiibin.

Dhinaca kale Caasho Xaaji ayaa la kulantahay Haweynayda Madaxweynaha Ka ah wadanka Malwai Dr.Joyce Band iyadoo ku amaantay Doorka Caash Xaaji ay ka qadatay in Haweenka Soomaaliyeed ah helaan Xaquudooda.

Madaxweynaha Dalka Malawi Dr.Joyce Banda aa u hambalyeysay Caasho Xaaji Cilmi oo ku tilmaamtey hogaamiye isbadal muuqda ku sameeyay xaquuqda Haweenka Soomaaliya iyo kuwa Africa. waxay tirii “waxaan uuga dhex jeeda Caasho.

Hadaba Caasho Xaaji Elmi oo ah Hada Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ahna Haweynayda kaliya ee Miisaan xoog leh ku leh Siyaasada Dalka Soomaaliya iyo waliba Beesha Caalamka ayaan waxaan idin soo Bandhiganaa Biladihii ay qadatay Halkan ka aqri.

Caasho waxay ku guulaysatay Sanadakan 2013 Bilada african achievers awards

Caasho Xaji ayaa sidoo kale ka mid noqotay (500) shanta boqol oo qofood ee wadamada islaamka ee loo aqoonsaday inay saameyn leeyihiin islamarkaana howl wax ku ool ah ka qabtay wadamadooda.

Sidoo kale Casho Xaaji waxay Qaadatay 2010 Lifetime achievement for african peace oo ah bilad shantii sano hal mar la bixiyo waxaana 2005 la siiyay bildan Xoghayihii Hore ee Qaramadamidoobay Koofi Anan,waxaana abaalmarintaan la siiyaa qof muhiima oo waxa uu qabtay ay muuqdaan.

Sanadii 2009 Caasho Waxay Qaadatay Clinton Global Citizen Award oo ah bilad qeymo badan waxaana bixsa Hayda uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore Maraykanka Bil Clinton.

Sanadii 2008 ayay sidoo kale qaadatay Caasho Haaji Abaalmarinta lagu magacaabo Right livehood Award oo ah Abaalmarin Caalami ah waxaana lagu gudoonsiiyay Wadanka Sweden,iyadoo abaalmarintaas ay aduunka oo dhan loo gartay shan qofood in la siiyo Caashana Shantaas ayay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto.

Sanadii 2006 Caasho Waxay ku guulaysatay Abaamarin weyn oo uu bixiyay Duqa Magaalada Philadelphia ee Gobolka Pennsylvania,iyadoo abaalmarintaan lagu magacaabo model of Liberty Bell as the City’s token of “brotherly love” by Mayor John F. Street of City of Philadelphia (October 11, 2006) honoring (Mrs. Elmi) dedication and commitment to women’s rights and equality for more than a decade.

Sidoo kale 2006 waxay Caasho Heshay Bilada (Women Peace Making Award)

2005 Caasho Waxay ka mid noqotay Haweenka loo xulay in la siiyo Bilada aduunka ugu qaalisan ee la dhaho Nobel Peace Prize.

Sidoo kale 2005 waxay ku guulaystay Caasho Xaaji abaal marin Caalami ah oo lagu magacaabo Blue Ribbon Peace Awar, by the Women Leadership Board of the John F. Kennedy School of Government, Harvard University.

Caasho Xaaji Cilmi intaas laguma soo koobi karo waxaa kalo jira abaal marino Badan oo lagu gudoonsiiyay wadanka Gudihiisa,sidoo kale waxaa jira warbixino iyo muuqaalo badan oo laga diyaariyay howl karnimadeeda iyo sida ay u tahay qof is badel dhab ah sameyn karta.

Ms Caasha Xaaji ayaa ah haweynada kaliya ee soomaali oo heshay biladahan waxayna sidoo kale ka mid tahay haweenka ugu caasan Afrika iyo Caalamka.

asha (1)asha (2)asha (3)asha (4)

W/D: Bile Gurxan Axmed

bilebeeri@gmail.com