Shirka Baydhabo ee Koonfur Galbeed oo mucaarad hor leh la kulmay

Baydhabo (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Baay ayaa ku tilmaamay shir maalintii shaley ka furmay magaaladaas mid sharci daro ah isla markaana ay wataan shakhsiyaad gaar ah sida ay lee yihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Baay, Shiino Macalin Nuurow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shegay in shirkaas uu wato Aadan Madoobe iyo koox kale kuwaasoo ka leh buu yiri dano gaar ah.

Wuxuu sheegay oo kale guddoomiye ku xigeenka shirka in 25-ka bishan uu so rasmi ah uu u furmi doono isla markaana ay ka soo qaybgali doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda oo uu ku jirro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Baydhabo waxaa ka furmay labo shir oo iska soo horjeedo kaasoo looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ka taagan maamul la doonayo in loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed, kaasoo dadka u ololeenaya ay lee yihiin waa in lagu soo koobaa seddax gobal kuwa kale ayaa qaba waa in laga dhigaa lix gobal oo kala ah Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com