Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa abaal-marin guddoonsiisay askarigii geesiga ahaa ee ka hortegay gaarigii qaraxa siday ee ay maalin kahor Al-Shabaab kusoo weerareen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lacag dhan $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey Dable Cabdi Cadaawe Nuur oo ah askarigii Sabanka la helay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyada, kadibna uu xigay dagaalkii cuslaa lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab..
Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askariga fashiliyay gaarigii qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.
Sidoo kale, askartii kale ee sida geesinimada lahayd u dagaalantay ayaa iaguna loo ballan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarinno kale, si loogu sameeyo dhiirogelin.
Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay inuu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee gaaray kooxda, waxaana uu kor u dhaafay illaa 70, kadib markii maydad horleh laga soo aruuriyay bannaanka magaalada.
Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay maxaabiis iyo saanad ay ka carareen maleeshiyaadkii AlShabaa b ee lagu jabiyay dagaalka.
“Waxaa sii kordhaya tirada Khawaarijta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Ceel-Dheer, taas oo hadda kor u dhaaftay 70 xubnood. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Ceel-Dheer kusoo bandhigay hub, meydad cusub iyo maxaabiis lagu qabtay dagaalkii Jimcaha lagu jebiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “CXD iyo ciidamada deegaanka ayaa mar kale muujiyay go’aankooda adag ee ah in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada, iyagoo si geesinimo leh ugu taagan xaqiijinta nabadda, amniga guud ee dalka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed”.


