Sawirro: Cali Guudlaawe oo tegay xarunta laga hagayo howlgallada SH/ DHEXE

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo xudun u noqotay abaabulka la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay ka heystaan gobolkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa degmada Cadale ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinya degmadaas, qaybaha kala duwan ee bulashada & saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Madaxweynaha HirShabelle oo soo dhoweyntiisa ka hadlay ayaa sheegay in socdaalka uu ku tegay degmada Cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, islamarkaana safarkiisa uu ku qotomo dardargelinta howlgalada Shabaab looga saarayo degmooyinka SH/DHEXE.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka uu hormuud u noqon doono kacdoonka shacab ee haatan socdo, si guud ahaan meesha looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta inay u diyaar garoobaan duulaan cusub oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo lagu beegsanayo meelaha ay gobolka ka joogaan.

Guudlaawe ayaa horey u booqday gobolka Hiiraan oo uu haatan ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo kormeeray goobihii lala beegsaday qaraxyadii Beledweyne.

Inta badan deegaanada maamul goboleedyada, sida HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa ka socdo abaabulkii ugu dambeeyey ee dalka looga xoreynayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeyskii ugu adkaa.

default