Sawirro: China oo Puntland u dhisaysay waddooyin iyo garoonka diyaaradeed

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Shiinaha.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayey maamulaha shirkadda CCECC ee Bariga Afrika, Guo Chongfeng iyo madaxa shirkaddaasi ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mr Nui Zengxiang.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay dib u dhiska waddada dheere isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso iyo sidoo kale dhismaha waddada degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxa kaloo shirka lagu soo qaaday dhismaha garoonka Puntland ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Afhayeenka madaxtooyada maamulkaasi, Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha waddada Garoowe iyo Boosaaso la bilaaban doono bisha soo socota ee Novembar.

“Madaxweynaha dowladda Puntland wuxuu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha waxay ahaayeen madaxda u qaabilsan bariga Afrika, Soomaaliya iyo howl-wadeeno ka howl-gala Puntland, Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey mashaariicda Shirkadda CCECC ee Puntland waxaana waxyaabaha laga wada-hadlay ka mid ahaa dhismaha wadada Eyl iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la isla soo qaaday meelaha ay marayaan iyo qorshayaasha socda”.

“Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay dayactirka lagu samaynaayo wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhawaan ay saamayn ku yeesheen roobabkii da’ay dayactirkeedana ay qaadatay shirkadda CCECC, waxaana la isku raacay in shirkaddu dayactirka ku bilowdo wadada bishan soo socota ee Novembar.” ayuu yiri afhayeen Jamac Yuusuf Dabaraani.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com