Sawirro: Ciidamada Ciraaq oo ISIS ka qabsaday magaalo facweyn oo Cusmaaniyiinta dhiseen

Tal Afar (Caasimadda Online) –Milatariga Ciraaq ayaa dib ugu qabsaday kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee ISIS magaalada Tal Afar ee Waqooyi Galbeed Ciraaq, magaaladaasi oo ka mid aheyd magaalooyinka ay ku xooganaayeen kooxdaan.

Magaalada Tal Afar ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii ugu danbaysay ee sida wayn ay ugu xooganaayeen kooxda ISIS.

Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq Ibrahim al-Jaafari ayaa sheegay in ay ciidanka la dagaalanka argagixisada ka taageen calanka Ciraaq qalcada qadiimiga ah ee la dhisay xilligii Cusmaaniyiinta ee ku taalla bartamaha magaalada Tal Afar.

Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Baghdad Al-Jacfari iyo wasiiradda difaaca Faransiiska Florence Parly ayey ku sheegeen in todobaatan boqolkiiba la xoreeyey magaalada, inta harsanna ay dhawaan gacanta ku dhigi doonaan.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in magaalada Tal Afar laga xoreeyo Daacish ka hor maalinta Ciidul Adhxa oo dalka Ciraq looga dabaaldagi doono 2-da bisha September.

Howlgalka xoreynta magaalada Tal Afar ayaa bilowday 20-ki bishan Agust, waxaana ka qeybgalaya ciidamada Ciraq oo garab ka helaya milatariga Mareykanka.