25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Ciidanka dowladda oo amar culus lagu siiyay in ay si deg deg u soo afjaraan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa amar culus siisay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, si ay usoo afjaraan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee haatan ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Amarkan ayaa waxaa bixiyay taliyaha ciidanka dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) oo booqasho ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka, waxaana wehlinayay taliyaha Sector-ka 1-aad ee Hawlgalka AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Sarreeye Guuto Sahal ayaa faray geesiyaasha is garabsanaya inay soo afjaraan goobaha gabbaadka ay ka dhiganayaan cadowga, si looga saaro dhulkaasi.

Sidoo kale wuxuu kormeer ku tegay difaacyada hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada, isagoo ku bogaadiyay guulaha ay gaareen iyo jabka culus ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu ku booriyay inay ka feejignaadaan dhagarta Khawaarijta, gaar ahaan weerarrada abaabulan ee ay mararka qaar kusoo qaadaan fariisimaha ciidanka.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan si dardar leh uga socda wajiga saddexaad ee howlgalka ‘Duufaanta Aamusan”, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Uganda ayaa wada howlgalladaas oo lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah sida Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) ayaa maalmahan booqasho ku marayay furimaha dagaalka, isaga oo dhawaan tegay aagga degmada Ceeldheer oo lagu jabiyay argagixisada, isagoo soo abaal mariyay ciidamada geesiyaasha ah ee ka hortegay Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News