Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya Degaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dhinteen in kabadan 7 Askari oo ka mid ah kuwa Daraawiishta loo yaqaan ee Maamulka Puntland.
Ciidamada uu dhaawaca soo gaaray ayaa iyana gaaraya 12 Askari oo qaba Dhaawacyo kala duwan, waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.
Ciidamadaasi ayaa saarnaa gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaano Cabdi-bile, waxaana ay ka yimaadeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobalka Sool, hase ahaatee marka uu soo galay dhanka gobalka Nugaal ayaa la sheegay in uu si lama filaan ah ku rogmaday.
Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdi Wali Gaas ayaa ku booqday Isbitaalka Garoowe Askartii ku dhaawacantay Shilka Gaari.
Cabdi Wali gaas ayaa warbixin ka dhageystay Dhaqaatiirta ku howllan u gurmashada Ciidamada ku soo dhaawacmay gaariga.
Dhanka kale, waxaan weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambaysa Gadoonka gaariga, waxaana inta badan shilalka gaadiida ee dhaca keena wadooyinka oo jajaban iyo gaadiidlayda oo si xawliya u kaxeeya gawaarida ay wadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]