28.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Sawirro: Ciidan cusub oo la wareegaya gacan ku haynta magaalada Garoowe

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay ciidamo cusub oo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka guud ee magaalada.

Ciidamadan cusub oo ah jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, ayuu taliska booliska sheegay inay u taagan yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeeyaan daacadnimo, kalsooni iyo dulqaad. “Waa ciidamo matalaya ruuxda dawladnimo, kuwaas oo u taagan xaqiijinta amniga iyo ilaalinta sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Gen. Caydiid Axmed Nuur, oo ka qeyb-galay munaasabadda soo dhoweynta ciidanka cusub ee booliska Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin ilays cusub oo soo ifbaxay, isla markaana ay bulshada kala shaqeyn doonaan nabadda, wacyigelinta iyo dhisidda kalsoonida shacabka.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay ciidamada cusub in ay noqdaan astaanta isku duubnida iyo adeegga shacabka.

Kadib munaasabadda, ciidanka ayaa loo gudbiyay xerada 54-aad ee ciidamada Garoowe, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabeen howl-galadooda nabadgelyo. Tallaabadan ayuu taliska booliska ku tilmaamay mid muujinaysa in Puntland ay ku socoto waddadii amniga, kala dambeynta iyo dowladnimada dhab ah.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale muujiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, difaaca dalka, iyo dhisidda nidaam amni oo waara, taasoo saldhig u ah horumarka iyo midnimada ummadda.

“Dowladnimo waa marka ciidanka iyo shacabka ay hal himilo ku mideysan yihiin — ilaalinta amniga iyo sharafta Puntland,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ciidankan la wareegaya amniga caasimadda maamulka wuxuu bishii October tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo. Ciidankan ayaa waxay u badan yihiin dhallinyaro waxbartay oo ay ku jiraan kuwo illaa heer Jaamacadeed ah.















- Advertisement -

Read more

Local News