Sawirro: Ciidan loo abaabulay hab beeleed oo Muqdisho ka baxay si ay u xorreeyaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo loo abaabulay hab Beeleed ayaa waxay maanta diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ayaa maanta ciidamadaan kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo sheegay in ciidamadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka argagixisada.

Ciidamadaan oo kasoo jeeda beesha Duduble ayaa waxay kusii wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay kaga biiri doonaan kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadaan ay si gaar ah qeyb uga noqon doonaan ciidamo loo diyaariyay howl-gal Al-Shabaab looga saarayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Waxaa muddooyinkii dambe socday abaabul ballaaran oo beelaha ay uga qeyb noqonayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Al-Shabaab ayaa waxaa kacdoonkaan dagaal looga xoreeyay deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen sanadihii dambe, waxaana weli gobolada dalka ka sii socda howl-galada lagu baacsanayo dagaal-yahanaada kooxda.