Sawirro: Ciidanka duulaanka ku ah Ceelbuur oo deegaan muhiim ah qabsaday shalay

Labi-dulle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaannada bariga gobolka Galgaduud ayaa shalay qabsaday deegaan muhiim ah xilli ay kusii jeedaan degmada Ceelbuur oo la doonayo in laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in kayar 16km u jira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyadka Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado kahor inta aanay ciidanka iman.

Deegaankan ayaa waxa uu ku yaallaa waddada u dhaxeysa Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Howlgalka oo ah mid aad u baaxad weyn ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan xildhibaannada federaalka iyo Galmudug, ku matala deegaannada howlgalkani ka socdo.

Guushan ayaa imaneysa ayada oo uu si xawli ah u socda howl-gal militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo horjeedaan ururka Al-Shabaab, oo la doonayo in laga xoreeyo deegaano ay ka mid tahay Ceelbuur.

Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal-yahaanada Al-Shabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.

“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi, kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga arkin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.

“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar ayaa nahay.”