Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee nabad sugidda gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa ee lala dilay ayaa maanta lagu aasay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa lagu dilay iska hor-imaad agagaarka madaxtooyada ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda, oo saraakiisha amniga dowladda ay sheegeen inuu ku dhacay si kam ah.
Waxaa aaska ka qeyb galay xubno sare oo ka mid ah beesha Murusade ee uu kasoo jeeday, sida Jeneral Bariise, Jeneral Gafaow, taliyaha Ciidanka howlgalada Nabad Sugida Soomaaliya Maxamed Abuukar Cali Jacfar, Nabadoon Xaad iyo qaar kale oo ka mid ah odayaasha beesha.
Warar Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in beesha oo shalay dalbatay in loo dilo taliyihii ka dmabeeyey dilka Jiijiile lagu qanciyey inay xiisadda dejiso islamarkaana aasto marxuumiinta.
Waxaa sidoo kale ay beesha Murusade ogolaatay inay arrintan u deyso guddiga uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ee baaraya sababta keentay isku dhacii hogaamiyey dilka Jiijiile iyo ilaaladiisa.
Beesha ayaa sidoo kale sheegtay in labada ciidan ee is-dilay ay yihiin laba ciidan oo qaran, sidaas darteedna ay go’aansatay inaan arrinta qabiil loo rogin.
Xubnihii beesha Mursade ee goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la demiyo xiisadda, lagana hortago wax kasta oo keeni kara iska horimaad cusub, ayaga oo ku baaqay in arrintan looga dambeeyo dowladda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]





