Shariif Xasan oo qorshee cusub la damacsan Golaha Wasiirada maamulkiisa

Baydhabo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa in dhawaan uu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Hogaamiyaha maamulka ayaa Golaha uu la imaan doona ku biirin doona Siyaasiyiin cusub waxaana la filayaa in inta badan Wasiirada hadda jira ay xilkooda waayan.

Qorshaha cusub ee Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah inuu dib usoo celsho ilaa afar Wasiir oo ku magacaaban xilal muhiim ah kuwaa oo uu meesha ku ilaalsado, halka inta soo harta uu ku sameyn doono isku shaandheyn.

Hogaamiyaha maamulka ayaa hadda wada wadatashiyadii ugu dambeeyay ee isku shaandheynta Golihiisa Wasiirada, waxaana maalmahan soo baxayay cadaadis xoogan uu Hogaamiyaha kaga imaanayay Xildhibanada maamulka.

Sidoo kale, Xildhibaanada maamulka ayaa Hogaamiyaha ka dalbaday inuu isbedel ku sameeyo Golaha Wasiirada maamulka, waxa uuna qorshaha isku shaandheyntu yahay mid lagu qancinaayo Xildhibaanada.

Geesta kale, Wasiirada cusub ayaa waxaa kamid noqon doona Xildhibaano hadda ka tirsan baarlamaanka maamulka K/Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com