26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Sawirro: C/llaahi Geedi Shadoor oo la caleemo saaray iyo madaxweyne Xasan oo aan ku farxin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa lagu caleemo saaray boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ah boqorka beesha Waceysle.

Caleemo saarka Cabdullaahi Geedi Shadoor ayaa waxa ay dhabar jab siyaasadeed ku tahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay isku beel kasoo jeedaan, xurguf siyaasadeedna ay ka dhaxeyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey boqorka ugu xiray garoonka magaalada Muqdisho, isaga oo ka hor istaagay inuu ka qeyb galo shirkii gobollada dhexe.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dadaal dheer u galay sidii uu isku hortaagi lahaa in hoggaanka beeshiisa uu gacanta ku dhigo boqor Cabdullaahi, hase yeeshee ma suurta-gelin.

Munaasabadda caleema saarka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin iyo haween, waxaana dhamaan ay dhamaantood sheegay in boqorka uu ahaa mid horay u soo jiray illaa 11 fac.

Sidoo kale xubnihii ka hadlay munaasabada ayaa ayaa kula dar daarmay Boqorka inuu daacadnimo, dulqaad iyo hufnaan ugu adeego dadka boqraday iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabada ayaa lagu soo bandhigay taariikhda hogaan dhaqameed ee Boqorkan, iyadoo ka soo bilaw awoowgii iyo aabihii ay doorar kala duwan ka soo qaateen nabadeynta, halgankii gobonimo doonka iyo isu keenida umadda Soomaaliyeed.

Boqorka ayaa waxaa usoo hambalyeeyey inta badan duubabka beelaha dhaqanka Soomaaliyeed. Iimaan ka iyo Ugaaska Beesha muddulood oo ku sugan Jowhar Ayaa u hambalyeeyay Boqorka, mar aay qadka telefonka kula hadlayeen dadkaan ka soo qeyb Galay xafladda. Ugaaska & Iimaanka Ayaa sheegay in aay aad uga xun yahiin ka maqnaashaha Caleema saarka Boqor Cabdullahi

Sidoo kale wakiilada Beesha caalamka Ayaa soo dhaweeyay Caleema saarka Boqorka.

IMG_0576IMG_0578IMG_0579IMG_0580IMG_0581IMG_0582IMG_0583IMG_0584IMG_0585

- Advertisement -

Read more

Local News