Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan oo dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu maamuusay Cumar guusha uu usoo hooyay dalka, maadaama uu kor u qaaday sumcadda iyo maamuuska dadka Soomaaliyeed.
“Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Madaxtooyada Qaranka.
Sidoo kae, Madaxweynaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.
Waxaa kale oo uu Cumar bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan wuxuu ugu yeeray “qabyaaladda iyo qurunka”, isla markaana ay mid ahaadaan, si aan adduunka ula tartansiin karno dalkeenna Soomaaliya.
Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius, isaga oo ugu dambeyn ka guuleystay, kadib markii guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) u tobaadan ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan.
Hambalyada madaxweynaha iyo aqoonsiga CAF ayaa muujinaya horumarka iyo sumcadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka gaareen garsoorka ciyaaraha, taasoo dhiirrigelinaysa jiilka cusub ee ciyaartoyda iyo garsoorayaasha.









