Sawirro cusub: Burbur xoogan oo ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qarax gaari oo goordhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay, meel aan sidaas uga fogeyn Garaasha Xaaji Baasto oo ku yaalla agagaarka Hoteel Mubaarak.

Qaraxan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo la soo dhigay agagaarka Hotel Mubaarak oo kaabiga ku haaya Garaashka Xaaji Baasto.

Gaarigan oo ahaa mid laga shakiyay, ayaa waxaa lagu wargeliyay ciidamada ammaanka, oo durbaba gaaray halkaasi, iyagoona xiray wadada.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo loo qaaday mid ka mid ah isbitalada ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ammaanka, ayaan weli ka hadlin qaraxa.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda bur bur xoogan oo soo gaaray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaalla.