Sawirro cusub: Waxaa kordhay khasaaraha ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta weerar ismiidaamin ah ka badbaaday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale ”Cirfiid”.

Taliyaha ayaa xiliga weerarka saarnaa gaari kuwo aanay rasaasta karin, ayaa ka badbaaday qaraxa, balse qaraxaasi waxaa uu waxyeeleeyay gaari caasi ahaa oo markaasi wadada maraayay.

Gaarigan oo waday rakaab, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku burburay qaraxaasi, iyadoo rakaabkii saarnaana ay intoodu badan ku waxyeeloobeen qaraxa.

Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in dadka ku dhintay weerarka ay gaarayaan in kabadan 15 ruux oo dad shacab ah u badnaa.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadka dhaawacyadu soo gaareen, waxaana laga cabsi qabaa in tiradda dhimashada ay ka sii badato intaasi.