Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa munaasabada xil wareejinta goordhow ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Somalia.
Munaasabadaan ayaa waxaa xilka ku wareejinaayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu la wareegaayay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.
Waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan iyadoona uu wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh dhammaan Xarunta Villa Soomaaliya iyo Agabkii yiilay.
Waxyaabaha lagu wareejiyay Madaxweynaha cusub ayaa waxaa kamid ahaa Dukumiintiyo ay ku qoran yihiin Sirta Qaranka, diiwaanka Hantida oo ay kamid yihiin Gaadiidka, Hubka, Dhaqaalaha ku harsan Qasnada DFS, Liiska Shaqaalaha DFS iyo dhammaan agabyada yaalla Madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa la gudoonsiiyay dhammaan diiwaanka Qaranka, waxa uuna soo dhaweeyay sida geesinimada leh ee uu Xasan Sheekh ku wareejiyay xilka.
Madaxweynaha waxa uu goobta ka sheegay in xilka uusan aheyn wax lagu farxo, balse Mas’uul waliba uu yahay mid ku dhiiranaaya qabashada xilka si uu sabab ugu noqdo isbedel ku imaada dalkaani dhibta saaxiib u noqday.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale, sheegay in si lamid ah sida xilka loogu wareejiyay uu isna u wareejin doono iyadoo ay kalsooni ku jirto.
Waxaa lagu wadaa in 22ka bishan maalinta Arbacada ah todobaadka danbe lagu qabto magaalada Muqdisho munaasabada calleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la filayo in ay ka soo qeyb-gallaan wafuud heer caalami ah.