DhageysoL Khudbaddii qiirada laheyd ee uu jeediyey Farmaajo xil wareejinta kadib

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyey maamulka xarunta Villa Soomaaliya .

Intii ay socotay xafladdii xil wareejinta, madaxweynaha cusub ayaa halkaas ka jeediyey qudbad aad qiiro badneyd oo uu kaga hadlay waxa dowladdiisa laga rajeenayo iyo sida ay u wajihi doonto.

Farmaajo ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladdii ay qaban doonto waxa ay shacabka ka rajeenayaan si wadanka loo gaarsiiyo horumar.

Mar uu ka hadlayey shaqaalihii lasoo shaqeeyey madaxweynaha waqtigii xukunkiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inuu soo dhaweyn doonto isla markaasna uu ka rajeenayo inay muujiyaan firfricooni, daacadnimo iyo howlkarnimo.

Tan iyo markii la doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo shacabka soomaaliya dal iyo dibad ayaa dareemay farxad isla markaasna rajeenaya inuu noqon doono hoggaamiye  wadankiisa wax badan u qabto taariikhdana ay xusto.

Haddaba  dhammaan wixii uu qudbadiisa uga hadlay halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com