Sawirro dheeraad ah oo laga soo bandhigay xil wareejintii ka dhacday Villa Somalia 

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii la sogoba asbuuc kadib madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Bishan February si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya.

Farmaajo ayaa dhawaanahaan ku shaqeenayey xarun kumeel gaar aheyd oo uu ku lahaa   Hotel Jazeera oo u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Caddde International Airport.

Xil wareejintaas ayaa dhacday kadib markii xaflad kooban oo si fiican loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Villa Somaliya waxaana halkaas gacanta isku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegayey  iyo Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka wareejinayey.

Qalab kala duwan  oo isugu  jiray Dahab iyo Qallin oo intii Madaxweyne Xasan uu taliska haayey hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya ayaa la dhigay Xafiiska Shaqada Madaxweynaha  cusub.

Haddaba hoos ka daawo sawiradaan cusub ee lasoo bandhigay

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com