Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hadal ka jeediyey shirka wada jirka ah ee Hay’adda Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) iyo Golaha Sare ee Shuraakada Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (HLPF) oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Cabdi Weli ayaa xukuumaddiisa iyo isagaba si sarbeeb ah u difaacay, xilli ay dhageysanayaan madaxweynaha Soomalaiya iyo xubnaha beesha caalamka, isaga oo muujiyey inaanu ka noqon doonin go’aankiisa.
Cabdi Weli oo wejigiisa carro iyo murug ay ka muuqatay waxa uu muujiyey inaan la joogin xilli Soomaaliya ay dib u laabato, oo xukuumaddiisa la bur-buriyo laguna beddelo mid cusub.
Waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay horumar ballaaran oo aan dib looga noqoneyn ka samaysay arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo xaqiijinta aragtida siyaasadeed ee 2016-ka ee dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah oo hufan.
“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dhinaca ammaanka iyo siyaasadda iyadoo la abuuray Dawladihii Xubnaha ka ahaan lahaa Dawladda Federaalka, lama joogo waqtigii dib loo noqon lahaa” ayuu yiri Cabdi Weli.
“Dhammaan horumaradan waxay ku qabsoomeen dadaalka Xukuumadda Federaalka, taageerada dadka Soomaaliyeed iyo tan beesha caalamka oo ah mid aan hore loo arag. Iyadoo guulahaasi la gaaray maanta waxaan joognaa meel aan gadaal looga noqon Karin”
Intaasi waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu qiray xaaladda siyaasadeed ee xilligan lagu jiro, isagoo sheegay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaago rajada ah in xal siyaasadeed dhowaan la gaari doono.
Shirkan SDRF waxaa ka soo qaybgalay saaxiibada iyo daneeyayaasha horumarka ee Soomaaliya iyo madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo wakiillo metelayey Dawlad Goboleedyada , waxana diirada lagu saarayey horumarka la sameeyey, iyadoo la isu diyaarinayo shirka magaalada Copenhagen ee looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com