Sawirro: Daadgureynta Soomaalida Cadan oo mar kale dib u billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dalka Yemen dib uga bilowday daad gureynta Soomaalida Qaxootiga ah ee ku dhaqan magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Dad gureyntaani ayaa waxaa iska kaashanaaya Qunsuliyada Soomaaliya ee dalka Yemen iyo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay iyo Hay’addo kale oo horay dhagaha uga fureystay qeyla dhaanta Soomaalida Cadan.

Soomaalida iminka laga daadgureynaayo magaalada Cadan ayaa dhowr bil u xanibnaa dagaallada ka socda dalka Yemen ee dhiiga badan uu ku daatay.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in dad badani ka soo badbaadiyeen dagaalada ka socda dalka Yemen, Gaar ahaan Magaalada Cadan oo ay Soomaalida ku badantahay.

Qunsulka ayaa sheegay in Magaalada Cadan ay wali ku harsan yihiin Soomaali aad u farabadan kuwaa oo uu sheegay inay ku noolyihiin dhibaato kala duwan.

Dadkan ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen Koonfurta Soomaaliya, waxaana diyaarad looga soo qaadi doona Magaalada Berbera, iyadoona dhawaan lasoo gaarsiin doono magaalada Muqdisho.