Xasan Sheekh oo fursad u helay arrin uu 4 sano moogaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wada in maalinta arbacada ah Khudbad ka jeediyo Caleema-saarka Madaxweynaha xafiiska kala wareegay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo 4tii sano ee la soo dhaafay ku jiray Jahwareerka Siyaasada Somalia ayaa waxa uu iminka fursad u helay Saaxiibadii ay kala baadiyoowen.

Xasan Sheekh oo inta badan aan horay loogu arki jirin Hoteelada magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu iminka kasoo dhexmuuqanayaa Hoteelada, halkaasi oo ay isku wareystaan Saaxiibadiisii hore.

Xasan Sheekh ayaa waxaa sidoo kale xiliyada habeenkii lagu arkayaa isaga iyo Gaadiidkiisa oo isticmaalaya waddooyin uusan horay u mari jirin, waxaana meesha ka baxday waddooyinkii loo xiri jiray maritaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka ka jira amni lagu khiyaasi karo %80, waxaana xiliyada qaar waddooyinka ku arkeysaa Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin dhowr ah oo ku shaahaya Goobaha lagu caweeyo ee ku yaal hareeraha waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com