28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Sawirro: Dagaalka IRAN iyo Israel oo sii xoogeystay iyo Tel-Aviv oo u ekaatay Gaza

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Iran ayaa Axaddii iyo aroonimada Isniinta isk qaaday weerarro cusub oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, taasoo sii xoojisay cabsi laga qabo inuu dagaal ballaaran ka qarxo gobolka. Labada ciidan ayaa ku booriyay shacabka dhinaca kale inay taxaddaraan si ay uga fogaadaan weerarro kale.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay inuu rajeynayo in shir madaxeedka dalalka G7 ee Axadda ka dhacay Canada uu keeno heshiis lagu xalliyo khilaafka loogana hortago sii xumaanshihiisa.

Sarkaal xog-ogaal u ah isgaarsiinta ayaa u sheegay Reuters in Iran ay u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha gobolka inaysan diyaar u ahayn wadahadal ku saabsan xabbad-joojin la Mareykanka inta lagu jiro weerarrada Israa’iil.

Milatariga Israa’iil, oo Jimcihii bilaabay weerarro uu ku sheegay in lagu beegsanayo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ridada dheer ee Iran, ayaa uga digay shacabka Iran ee ku dhow xarumaha hubka inay si degdeg ah uga baxaan.

“Iran waxay bixin doontaa qiimo aad u culus oo ah dilka dumarka, carruurta iyo rayidka awgiis,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay balkoon dabaq burburay oo lix qof lagu dilay magaalada Bat Yam, oo ku taalla koonfurta Tel Aviv.

Ciidamada Iran ayaa iyaguna shacabka Israa’iil uga digeen inay ka fogaadaan “goobaha muhiimka ah” si ay u ilaashadaan badqabkooda.

Weerar habeen dhacay

Tel Aviv ayaa galabnimadii Axadda waxaa gilgilay qaraxyo waaweyn kaddib markii Iran qaaday weerarkeeda ugu horreeya ee maalintii ah tan iyo weerarkii Israa’iil ee Jimcihii. Sida ay sheegtay dowladda Israa’iil, ugu yaraan 10 qof — oo ay carruur ku jiraan — ayaa la dilay.

Saacado kaddib, isla habeenkii, Iran ayaa qaaday weerar labaad oo gantaallo ah oo ku dhacay waddo ku taalla magaalada Haifa, oo ah magaalo ay wada deggan yihiin Yuhuud iyo Carab. Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in sagaal qof lagu dhaawacay weerarkaasi, iyadoo labo kale lagu dhaawacay weerarro kale oo ka dhacay koonfurta dalka.

Fiidkii Axadda, dadka ku nool Bat Yam ayaa si argagax leh u eegayay burburka ka dhashay weerarkii habeenkii hore, iyadoo guud ahaan dalka laga dareemayay cabsi ah in habeen kale oo hurdo la’aan ah ay kusoo fool leedahay.

Sawirro laga qaaday magaalada Tehran ayaa muujinayay cirka habeenkii oo iftiimayay kaddib markii dab weyn ka kacay keyd shidaal, kaddib markii Israa’iil billowday weerarro ku wajahan waaxda saliidda iyo gaaska Iran — tallaabo halis galin karta dhaqaalaha caalamka iyo shaqada dowladda Iran.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Iran, Hossein Kermanpour, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee weerarrada Israa’iil tan iyo markii ay bilaabmeen ay gaartay 224 qof, halka dhaawacyaduna ay ka badan yihiin 1,200 — 90% oo uu sheegay inay yihiin dad rayid ah. Kuwa dhintay waxaa ka mid ah 60 qof oo Sabtidii lagu dilay dhismo 14-dabaq ah oo dumay gudaha caasimadda Tehran, kala barka dhimashaduna waxay ahaayeen carruur.

Trump oo hor istaagay qorshaha dilka Khamenei

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay Reuters in Madaxweyne Donald Trump uu dhawaan diiday qorshe Israa’iil wadatay oo lagu doonayay in lagu dilo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

“Miyaan weli Iran dilin Mareykan? Maya. Ilaa ay sidaas sameyso, ma jirto wax wadahadal ah oo la xiriira beegsiga hoggaan siyaasadeed,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka, oo ah sarkaal sare.

Markii arrintaasi la weydiiyay Ra’iisul Wasaare Netanyahu, wuxuu u sheegay Fox News: “Waxaa jira warar badan oo been ah oo sheegaya wadahadallo aan jirin, mana doonayo inaan ka hadlo.”

“Waxaan qabannaa waxa lagama maarmaan ah,” ayuu ku daray isaga oo la hadlay barnaamijka Special Report With Bret Baier.

Netanyahu wuxuu sheegay in isbeddel hoggaamineed oo ka dhaca Iran uu noqon karo natiijada weerarrada Israa’iil, isagoo ku adkeystay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabo kasta si ay uga hortagto waxa uu ugu yeeray “halista baabi’inta jiritaanka” ee Tehran.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka militariga Israa’iil ayaa sheegay in hadafka howlgalka hadda uusan ahayn isbeddel xukun, balse uu yahay in la burburiyo awoodda Iran ee nukliyeerka iyo gantaallada si looga hortago in ay Israa’iil “baabi’iso.”

Jimcihii, Israa’iil ayaa qaaday weerar lama filaan ah oo lagu dilay hoggaanka ugu sarreeya ee militariga Iran laguna waxyeelleeyay xarumaha nukliyeerka, iyadoo ballan qaaday in ololuhu sii socon doono maalmaha soo socda.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa Axaddii xaqiijiyay in taliyaha sirdoonka IRGC, Mohammad Kazemi, iyo ku-xigeenkiisa lagu dilay weerarro ka dhacay Tehran.

Iran ayaa dhankeeda ku hanjabtay inay “furayso albaabada cadaabta” si ay uga aargudato, taasoo muujinaysa in tani tahay isku dhaca ugu weyn ee abid dhex mara labada dhinac.

Trump oo uga digay Iran weerar kale

Trump ayaa bogaadiyay weerarka Israa’iil isagoo si cad u beeniyay eedeymaha Iran ee ah in Mareykanku ku lug lahaa.

“Haddii nalagu soo weeraro si kasta oo ay tahay, awoodda buuxda ee ciidanka Mareykanka ayaa idinku dhici doonta heer aan horey loo arag,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

“Si kastaba ha ahaatee, heshiis dhex mara Iran iyo Israa’iil waa mid si fudud loo gaari karo, waana mid dhamaanteen naga saari kara dagaalkan dhiigga badan ku daatay.”

Trump ayaa horey u sheegay in Mareykanku uusan wax door ah ku lahayn weerarka Israa’iil, wuxuuna uga digay Tehran inay aargudasho u fidiso bartilmaameedyo Mareykan ah. Jimcihii, laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay ka hortageen gantaallo Iran ay ku beegsatay Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu marar badan ku celceliyay in Iran ay dagaalka joojin karto haddii ay aqbasho xayiraado adag oo lagu soo rogo barnaamijkeeda nukliyeerka — barnaamij ay Iran sheegtay inuu yahay mid nabadeed, balse reer Galbeedku ka shaki qabaan in loo adeegsan karo samaynta hub nukliyeer ah.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee nukliyeerka ee u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka, oo la qorsheeyay in Axaddii dhacaan, ayaa la joojiyay kaddib markii Tehran ay sheegtay inaanay wadahadal geli doonin inta lagu hoos jiro weerarro Israa’iil ay wado.

Suuqyada maaliyadeed ayaa si feejigan u sugaya haddii qiimaha saliidda uu sii kacayo marka isniinta la furo ganacsiga — taasoo halis ku ah dhaqaalaha dunida — ama uu degi doono haddii la filayo in dhoofinta saliidda Khaliijka aysan si weyn u saameyn.

Qiimaha saliidda ayaa horey u kacay 9% Jimcihii, ka hor inta aan Israa’iil weerarin xarumaha shidaalka iyo gaaska ee Iran.

Sawirradan hoose waxay muujinayaan burburka Israel ka soo gaaray gantaallada Iran. 

- Advertisement -

Read more

Local News