Daawo Sawirrada Somalia oo suuf laga soo saaray & bilicda beeraha Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) – Hay’adda D.O.C oo ah hay’adda horumarinta beeraha oo dhawaan beeraleey Soomaaliyeed u qaybisay Suuf oo markii hore dalka dibadiisa laga keeni jiray ayaa waxa ay beeraleyda ku guuleysteen tijaabada dalagii loo qeybiyay, iyagoo ku beeray mid ka mid ah beeraha ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda D.O.C iyo quburo xagga beeraha ku taqasuusay oo maanta kormeer ku tegay beerta tijaabadaasi dalaga suufka ah lagu abuuray ayaa waxa ay u kuurgaleen sida ay u baxsay tijaabadii ay sameeyeen.

Maxamed Qadar oo ah arday bartay kuliyadda beeraha, islamarkaana ka mid ahaa dadkii ka howgallay beerta ayaa xubnaha halkaasi kormeerka ku tegay uga warbixiyay sida bilowga ah ee ay ugu guuleysteen dalagii sida tijaabada ahayd ee baartaasi lagu beeray.

“Mashruucaan tijaabada ah waxa uu ku saabsanyahay labo dalag oo aan halkaan ku tijaabineyno oo kala ah Suuf iyo Khasab, runtiina si weyn ayay u soo baxeen, hay’adda D.O.C waxa ay u taagantahay inay dhiiri geliso beeraleyda Soomaaliyeed, waxaana howshaani wada ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Benaadir” ayuu yiri Maxamed Qadar.

Pro Cumar Maxamuud Kulmiye ayaa ka sheekeeyay faa’iidada ay u leedahay bulashadda Soomaaliyeed dalagan tijaabada ah ee Suufka ka kooban oo Soomaaliya dibada looga keeno, isagoo xusay inay tahay mid dhiirigelineysa beeraleyda

“Maadaama ay dadkan noo keeneen anagu waan tijaabinay, Ilaaheey wuu nagu guuleey waad aragtaan sida uu u yaallo, marka waxaa lagu dadaalay sidii loo beeri lahaa dalagan, runtii waraab iyo inta la buufiyay, maadaama uu geedkan uu ka midyahay kuwa ugu cudurka badan, dadka kale ayaana howshaan gacan nagu siiyay” ayuu yiri Pro Cumar Maxamuud Kulmiye.

Maxamed Faarax oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sheegay in waxyaabaha ku dhaliyay in la tijaabiyo dalaga Suufka uu yahay sidii loo dhiiri gelin lahaa beeraleyda, islamarkaana loo abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka dalagyada kala duwan.

Daawo sawirrada

suuf1suuf3suuf4suuf5suuf6suuf7suuf8suuf9suuf10suuf11suuf12suuf14suuf15suuf16