Sawirro: DF iyo Midowga Afrika oo kulan isugu yimid kadib ceyrintii Simon Mulongo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay kulankooda diiradda ku saareen arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah “dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya,” sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadda ka soo saartay kulnkaas ayaa lagu yiri, “Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaar garowga cutubyada ciidamada, si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.”

Kulankaan ay maanta yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa ku soo beegmaya, xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda 4-tii bishaan November todobada cisho inuu dalka uga baxo u qabatay Simon Mulongo oo ahaa ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Simon Mulongo oo ku xigeen u ahaa Francisco Madeira waxay ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasimada Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay isaga baxaan ugu dambeyn sanadka 2023-ka.