Halkee mareysaa dacwadda kursiga MAHDI GUULEED?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso dacwadda uu u gudbiyey guddiga xallinta khilaafaadka ee ka dhalatay kursiga HOP239 oo uu ku soo baxay Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xuseen Carab Ciise oo horey kursigan ugu fadhiyey ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu boobayo kursi aysan laheyn beeshiisa, isaga oo adeegsanayo xukuumadda.

Xildhibaanka oo wareysiga dheer siiyey Universal TV ayaa sheegay in uu ka war sugayo natiijada guddiga xallinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaraya dooda ka dhalatay kursigaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan dad gaar ah oo fara-gelin ku hayo guddiga, isaga oo ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrintaasi.

“Waxaa ku socota fara-gelin culus waxaana leenahay dadka ku haaya waa la wada og-yahay waa inay faraha kala baxaan oo guddiga howshiisu qabsado” ayuu yiri Xuseen.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Soomaaliya oo dhan indhaha ayey ku heysaa runtii xaq-darradii dhacday kolley cid aana ogeyn ma jirto,”.

Ugu dambeyn Xuseen Carab Ciise ayaa hoosta ka xariiqay haddii kursigaas loo ansixiyo Mahdi Guuleed in ay dhaawac weyn ku tahay Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xaq-darro la ansixiyo Xuseen wax lama yeelin, reerkeyga waxba lama yeelin Soomaali ayaa wax la yeelay,” ayuu markale yiri Xuseen Carab Ciise.

Si kataba, guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa laga war sygayaa natiijada kama dambeysta ah oo qaadan doonto muddo 7 cishe ah, sida loo horay loo shaaciyey, waxaana guddiga uu weli wadaa baaritaano ku aadan dacwadda culus ee loo gudbiyey.