Saciid Deni oo is-bedel weyn ku sameeyey hoggaanka ciidamada maamulkiisa

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Deni ayaa  ugu horeyn G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

Sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweyne Saciid Deni u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Deni ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan is bedelkii ugu weynaa dhanka ciidamada uu mudooyinkaan ku sameeyey madaxweyne Deni, lamana oga sababta ka dambeysa, sidaan oo kale maalmo ka hor Deni ayaa bedelay taliyihii booliska Puntland, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer federaal ee ka dhacaya deeganada Puntland.