Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay xero ku taalla GEDO + Khasaaraha

Baardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex-dhacay xerada ADC oo ku taalla Baardheere, taas oo lagu tababarayey ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Ciidamada lagu tababarayey xeradan ayaa loo qorsheyneyay inay ka howl-galaan gobolka Gedo oo ay ka bilaaaban doonaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha ammaanka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu aado, sida qaraxa lagu geliyey xeradaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Baardheere oo la xiriira weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino ee ka dhacay degmadaasi.

Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta oo ay ka dambeeyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli qeybo uga sugan gobolkaas oo dhaca koonfurta Soomaaliya.