Guddoomiyaha gobolka Gedo oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Maxamed (Gareed) oo la hadlay wariyeyaasha ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka iyo arrimaha doorashooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen,  doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dadaal badan geliyeen sugida ammaanka, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaaan doorashooyinka xildhibaanada ee degmada Garbahaarey.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay haatan heegan buuxa ku jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howl-gallo ka wada halkaasi.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay dedaal geliyeen nabadgalyada Degmada Garbahaarey, xaqiiqdii waan u diyaarsanahay Doorashada Golaha Shacabka BFS, Shaki kama qabno dhinaca Amniga oo waxaa heegan u ah Ciidanka Dowladda & Booliiska AMISOM oo ku sugan goobta loo asteeyay Doorashada, ilaa 6-kun oo Ergo ayaan fileynaa in Garbahaarey tagaan waxaana u nahay diyaar,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla-markaana ay qaataan doorka kaga aadan doorashooyinka dalka.

Gobolka Gedo ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa khilaaf xoogan kaas oo saameeyey doorashooyinka, walow mar dambe ay xal ka gaareen xubnaha golaha wada-tashiga qaran.