Macallin Maxamuud oo ka hadlay dagaalkii Guriceel iyo qorshaha AHLU-SUNNA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa tan iyo soo laba kacleyntii ururkiisa waxuu markii ugu horeysay bixiyey wareysi, kaas oo uu uga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel iyo mowqifka Ahlu-Sunna ku aaddan waxa ay ka damacsan yihiin dowlad goboleedka Galmudug, sidoo kale dowladda federaalka ayuu eedeyn u jeediyey.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo wareysigaan siiyey BBC ayaa ugu horeyn sheegay inay sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen ee ahaa inay ‘shacabkooda u hiiliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan garab’ isla markaana ay ka go’an tahay inay dalka ka cirib tiraan ururka Al-Shabaab.

Macalinka ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, isagoo sheegay inuu ahaa dagaal gar-darro ah oo iyaga lagu soo qaaday, waxuuna eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Galmudug iyo dowladda federaalka.

“Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa. Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, dagaal ma billaabaan, mana huriyaan. Marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo ururkan argagixisada ah ee dalka ku faafay. Siyaaradii lafteeda annagoo joogna, weerar baa nalagu soo qaaday, waxaa nagu soo qaaday dowladda Galmudug oo ay kaalmo u ahaayeen ciidanka Soomaaliya oo dhan,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Si gaar ah waxa uu ugu eedeeyey dagaalkaas taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo uu sheegay inuu hoggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel, 23-kii illaa 26-kii bishii hore ee October, dagaalkaas ayaa galaaftay saraakiil iyo ciidamo uga jiray labada dhinacba, waxuuna Macalin Maxamuud mas’uuliyaddiisa dusha ka saaray dowladda dhexe iyo Galmudug.

“Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsaneyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, muddadaas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin. 12-kaas sano dadkii meesha joogay ciidankoodii xagee buu jiraa? waxyaabaha laga been sheegayo waxaa ka mid ah ‘ciidan aruuris bay gasheen’ maxaa la aruurinayaa? meeshaba ciidankii aan annagu lahayn mooyee wax ciidan ah oo kale ma joogin,” ayuu yiri hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna.

Intii uu socday wareysigaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay aqoonsan tahay jiritaanka maamulka Galmudug, “Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn. Waan aqoonsan nahay, waana cadeynay, laakiin ma aha maamulku hadduu noqdo mid ilaalinaya argagixiso, markaas nidaamka maamulnimada ayuu ka baxayaa,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Guriceel waa gurigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anigan kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sheekh Maxamed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaaddaa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba? Waan hubeysneyn waligeenba, 12 sano ayaan joognay, oo aan hub heysannay, ma saakaa la billaabay? Annagu gurigeenni bana tagnay.”

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab ayuu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay awooda kaliya ee gobollada dhexe ka cirib tiri karta kooxda Al-Shabaab. Waxuuna ku gacan seyray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla dowlad goboleedka Galmudug oo hoos tagta dowladda federaalka.

Mar wax laga weydiiyey cidda ku garab siisay inay dib isku soo abaabulaan iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan ayuu ku jawaabay, “Annagu dhaqaalaheenna waligeen jeebkeenna ayuu ahaa, jeebkeenna ayaan kala soo baxnaa. Dadka aan imaanka lahayn baa dhaha ‘dhaqaalaha qoladeen u doonannaa?’, annagu Ilaahay baan u doonannaa dhaqaalaha, asagaana na siiya, waana heleynaa, marka ma weyno dhaqaale.”

Macalin Maxamuud ayaa beeniyey wararka sheegaya in Ahlu-Sunna ay taageero ka hesho maamulka Puntland iyo dowladda Iiraan, waxuuna hadalladaas ku tilmaamay kuwo lagu qoslo.

Sidoo kale Macalinka waxaa la weydiiyey halka ay dagaalyahanadoodu ku dambeeyaan, kadib dagaalkii qaraaraa ee ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay kula galeen degmada Guriceel, waxuuna sheegay in ay Guriceel uga baxeen codsi uga yimid culumo kale iyo dad madax ah.

“Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa, waxayna ku baxday codsi uga yimid culimada Islaamka oo AhluSunna Waljamaaca ah iyo dad madax ah. Annaga ujeedadeenna waa inaan joogno gurigeenna, wixii aan daafici jirnay oo ah caqiido, dad iyo diina waan daafaceynaa, ninna ka baryi meyno haddey arrintu noocaas noqoto,” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa sheegay inay wadahadal ku galayaan labo darajo oo kala ah inay yihiin Ahlu-Sunna iyo inay leeyihiin door Ra’iisul Wasaarenimo oo maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa,” ayuu yiri Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.