29.9 C
Mogadishu
Friday, May 22, 2026

Digniin amni oo loo diray Soomaalida ku sugan Koonfur Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Cape Town (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ku boorisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah kadib weeraradii u dambeeyay ee ku salaysnaa naceybka shisheeyaha, kuwaas oo lagu beegsaday muwaadiniinta u dhashay Afrika iyo Aasiya ee ku sugan qaybo ka ka mid Koonfur Afrika.

Safaaradda ayaa ugu baaqday Soomaalida inay feejignaan muujiyaan, kana fogaadaan meelaha laga soo sheegay rabshadaha ama khataraha amniga, sidoo kale ay ka fogaadaan isu soo baxyada isu beddeli kara rabshado.

Waxa kale oo ay ku boorisay ganacsatada Soomaaliyeed inay tixgeliyaan inay xiraan meheradahooda ganacsi inta lagu jiro xilliyada ay taagan tahay xiisadda sare u kacday, si ay u badbaadiyaan naftooda iyo hantidooda. 

Digniintan ayaa ka dambaysay kadib markii ay korortay mudaaharaadyada iyo weerarada ka dhanka ah muhaajiriinta ee ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Koonfur Afrika, oo ay ku jiraan Johannesburg, Pretoria, iyo Durban.

Dadka bannaanbaxaya ee xisbiyada jinsi naceybka ayaa dalbaday in la dalkooda laga saaro muhaajiriinta sharci darada kusoo galay ee la wareegay horumarka ganacsiga.

Safaaradda Soomaaliya ayaa ku boorisay bulshada inay si dhow ula socdaan xaaladda xaafadahooda, ayna raacaan tilmaamaha hay’adaha amniga ee Koonfur Afrika. Waxay sidoo kale ku baaqday deganaan, isgarab-taag, iyo iskaashi dhex mara dadka deegaanka ah iyo Soomaalida.

Guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadambaha iyo Shucuubta ayaa bishii Abriil muujiyay walaac weyn oo ku saabsan warbixinnada ku saabsan rabshadaha iyo hanjabaadaha ka dhanka ah muwaadiniinta waddamada kale ee Afrika ee ku sugan Koonfur Afrika.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa cambaareeyay weerarada, isagoo sheegay in fursad-doonayaal ay ka faa’ideysanayaan cabashooyinka bulshada si ay u huriyaan rabshadaha ka dhanka ah muhaajiriinta. Warqad furan oo uu soo saaray isniintii, wuxuu ku sheegay inaysan Koonfur Afrika meelna uga bannaanayn:

Rabshadaha socda ayaa cabsi weyn ku abuurtay bulshooyinka muhaajiriinta ah, iyadoo laga soo sheegay bililiqo iyo weeraro lagu qaaday dukaamada ay leeyihiin dadka ajaanibta ah. Dhowr waddan oo Afrikaan ah ayaa muujiyay walaac ku saabsan badbaadada muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muddo dheer ka mid ahaa bulshooyinka ganacsatada ajnabiga ah ee sida ugu weyn ugu nugul rabshadaha ka dhaca xaafadaha isku raranta ah ee Koonfur Afrika, halkaas oo milkiilayaasha dukaamada ay la kulmeen dil, dhac, bililiqo, iyo weeraro  cunsurinimo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa horay u dalbaday iskaashi xooggan oo lala yeesho laamaha fulinta sharciga ee deegaanka si loo ilaaliyo muwaadiniinta iyo ganacsiyada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News