Sawirro: DF oo Imaaraadka kala wareegtay $9.6 Milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Imaaraadka Carabta kala wareegtay lacag gaareyso 9.6 Milyan oo Dollar oo ay xukuumadda Abu Dhabi ugu tala-gashay inay qeyb ka noqoto taakulada dadka ay saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Munaasabadda ay lacagtan kula wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wasiirka Maaliyada oo la wareegay, guddoomiyaha bangigga dhexe iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dowladood.

Rooble oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa dowladda Isu Tagga Imaaraadka uga mahadceliyey kaalinteeda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi kusii daray in tani ay qayb ka tahay dadaalkiisa dib u hagaajinta ee xiriirka labada wadan.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakhti geliyey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xiriirka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxana tallaabada soo celinta xiriirku suurta-gelinaysaa soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna sheegay in lacagtan lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Dhankiisa safiirka Imaaraadka Imaaraadka Carabta oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa, kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaan oo 2018-kii laga xayiray Imaaraadka, kadib markii lagu qabtay Aadan Cadde.

Kadib xiriirka Imaaraadka & Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, iyada oo khilaaf uu soo kala dhex-galay iyaga & dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Si kastaba, arrimahan oo dil waxay ku soo beegmayaan, iyada oo maalmo ka hor uu ra’iisul wasaare Rooble uu booqasho ku tegay Imaaraadka Carabka, isaga oo ka qayb-galay aaska Madaxweynihii wadankaasi, wuxuuna sidoo kale kulamo la soo qaatay madaxda Abu Dhabi.