Sawirro: DF oo Mahadaay u dirtay gaadiidkii u badnaa oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa 30 gaadiidka nuuca xamuulka qaada ah u dirtay degmada Mahadaay.

Gaadiidkan oo sida shixnad gargaar mucaawino ah ayey saacadihii lasoo dhaafay hay’adda SODMA u dirtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe iyo deeganadda hoostaga ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale gargaarkaan waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu tala-galay in dadka go’doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu tala-galay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ka soo gaartay fatahaada webiga Shabeelle ku nool gudaha Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Goobaha gargaarkaan ku wajahan yahay ayaa hore waxaa uga jirtay xaalad adag oo ay wajahayeen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo halkaas ku nool, taas oo sameen ka soo gaartay xaaladaha El-Niño.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo Al-Shabaab ka cararayay,” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha SODMA.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, ayada saaxiibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadannimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.

default