Sawirro: DF oo taageero dagaal ka codsatay Qaramada Midoobey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay magaalada Muqdisho, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS Ms. Aisa Kirabo Kacyira.

Wasiirka ayaa uga warbixiyay Kaaliyaha horumarka baaxadda leh ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen, difaaca iyo dib u xoreynta dalka.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa qiray in ciidamada qaranka ay guulahaas gaareen iyagoo garab ka helaya taageerayaasha caalamiga ah.

Wasiirka oo ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sharaxay dadaallada socda ee lagu kobcinayo awoodda Ciidamada Xoogga dalka.

Si gaar ah waaiir Jaamac ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka maareynta saadka iyo tallaabooyinka howlgalada culus ee lagu cirbtirayo kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah xasilloonida dalka, tan Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojin doonto howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana uu socdo diyaar garow culus.

Maadaama uu socdo diyaar garow dagaal, wasiirka ayaa dalbaday inay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo Taageerada Saadka ee loo baahanyahay, taas oo gacan weyn ka gesyan doonta in waqti fudud Soomaaliya looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.