Sawirro: DF Soomaaliya oo dalab culus u gudbisay India

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ahe madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdriraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Dr Virander Paul.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr, waxaana ka mid ah  xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd gudaha Soomaaliya, si ay qayb uga noqoto hormarka socda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Danjire Virander Paul kala hadlay arrimaha gurmadka abaaraha ee haatan ka socda, wuxuuna u gudbiyey dalab la xiriira cunna yarida, gaar ahaan in Hindiya ay qiimo dhimis ku sameyso raashinka loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

“Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu ergeygu ka codsaday in dowladda Hindiya ay u gudbiso dalalka G20 sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gudaha Soomaaliya.

Dhankiisa safiirka ayaa balan-qaaday in dowladddiisu ay mar walba garab istaagi doonto Soomaaliya, ayna ku dedaali doonaan caawinta dadka tabaaleysan.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan, taasoo saameysay dadka & duunyada, waxaana haatan socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.